Maurizio Sarri noqon doono tababarohooda cusub ee Juventus

Xiddiga Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay tababaraha cusub ee kooxda hogaamin doona xilli ciyaareedka dambe sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Maamulka Juventus oo aan wali magacaabin tababarohooda cusub ee xilli ciyaareedka dambe ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddigaha kooxda u sheegeen in uu tababaraha chelsea ee Maurizio Sarri noqon doono tababarohooda cusub ee xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay bixiso lacagta 5-ta milyan ee ay chelsea doonayso si ay u fasaxdo Tababare Maurizio Sarri.

Warkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli la kulmay gudoomiyaha kooxda chelsea ee Bruce Buck ka hor Finalkii Europa League.

Wargayska Tuttosport ayaa dhankiisa sheegaya in uu Milkiilaha Juventus la kulmay Sarri ka hor Finalkii Europa League ee xalay oo Arbaca ahayd dhacay.

Dhanka kale madaxda kooxda Juventus ayaa xiddigaha kooxda u sheegay in uu Sarri noqon doono tababarhaa cusub ee kooxda hogaamin doona xilli ciyaareedka dambe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook