Real Madrid Oo Gabi Ahaan Isaga Hartay Xiisaha Sadio Mane

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa go,aan kama dambays ah ka gaadhay Xiisaha ay kooxdiisu u qabto xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo lala xiriirinayay kooxda Real Madrid bilihii ugu dambeeyay.

Florentino Perez ayaa go,aansaday in ayna Real Madrid u dhaqaaqin saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sadio Mane sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa si xoogan loola xiriirinayay Real Madrid markii uu Zinedine Zidane ku soo laabtay kooxda bishii March.

Laakiin wararkaas ayaa joogsaday wakhtigii ugu dambeeyay kadib markii ay kooxda La Liga ka ciyaarta meel kale u jeedisay dareenkeeda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook