Brazil Oo Guul Weyn Ku Biloowday Cope America+SAWIRRO+VIDEO

Bolivia iyo Brazil ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna ciyaarayeen kulanka ugu horeeya ee tartanka Cope America

Bolivia waxa ay kulankaan galeen iyaga oo haminay in Brazil guushii ugu horeysay ka gaaraan taasi oo ka maqan tan iyo sanadkii 2009-kii xilligaas oo ay laba gool iyo hal ku garaaceen Brazil waxa ayna waqtigaas la ciyaareen is reeb reebka loogu soo baxayay koobka aduunka .

Guud ahaan kulankaas waxaa maamulka kubadda haystay Brazil kuwaasi oo ay ka go`neyd in gool waqti hore ah keenaan.

Bolivia , guud ahaan waxa ay ciyaareen kubad daafac ah mana jirrin weerar ay qaadayeen waxa ayna Brazil aheyd dhankii u nuglaa in gool keenanaan maadaama dhowr kubad ay ku laadayeen shabaqa Bolivia.

Heerka kubad haysashada Brazil waxa ay gaartay qeybtaas hore %75 balse waxaa ka maqnaa in ay goolal keenaan .

Shaxdii asaasiga aheyd ee Brazil:BRAZIL: Alisson, Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Luis; Casemiro, Fernandinho, Coutinho; Richarlison, Firmino, Neres
Keydka waxaa fadhiyay :

Qeybta labaad , xaalka wax iskama badalin Barzil ayay cagteeda ku xooganeyd kubadda waxa ayna durba keeneen gool rigoore ahaa ahaa waxaana saxiixay Coutinho daqiiqaddii 50-aad
Xilli dabaalka degga ay weli ku jireen taageerayaaha Brazil mid kale ayay keeneen daqiiqadii 53-aad isla Coutinho ayaa saxiixay , ka dib ciyaarta hal dhianc ayay noqotay

Ka dib dhacdyoonkaas , Brazil dhwor iskud ay ayay sameeyeen si gools edexaad u keeneen xilli qaranka Bolivia dhankooda dagaal ugu jireen in ay horay u soo dhaqaaqaan basle durba waa la soo celinayay

Brazil waxa ay toos u dileen isku dayadii Bolivia waxa ayna ku keeneen gool sedexaad oo aad u qurxoonaa waxaana dhaliyay Everton daqiiqadii 85-aad waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah oo ay Brazil ku garaacday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook