Idaacada Radio Catalonia Oo Kashiftay Kooxda Uu Matthijs de Ligt Ku Biiri Doono Xagaagan

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaan wali wax go,aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Idaacada Radio Catalonia ayaa shaaca ka qaaday kooxda ugu dhaw ee uu daafaca Matthijs de Ligt ku biiri doono inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib xiisihii uu ka helay kooxaha PSG, Barcelona, Juventus iyo waliba kooxo kale oo reer yurub ah.

Idaacada ayaa shaaca ka qaaday in ay Kooxda Juventus tahay kooxda ugu dhaw ee uu ku biirayo daafaca da,yarka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga.

Idaacada oo ka soo baxda Gobolka Catalans ayaa sheegaysa in uu Matthijs de Ligt ku biirayo kooxda Juventus qiimayn dhan 95% hlaka uu kaliya 5% ku biiri doono kooxda Barcelona.

Daafaca reer Holland ayaa qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxdiisa kula guulaystay 2 koob sidoo kale geeyay Semi-finalka champions League.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook