Kheyr” Waxaan dhiseynaa Galmudug mideysan”+SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Galmudug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmdug.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook