Man United oo 20 Milyan Oo Euro U Siinaysa Goolhaye David De Gea

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah kuna faraxsan in ay 20 Milyan oo euro siiso Goolhaye David De Gea si uu isaga tago kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha reer Spain ee David De Gea ayuu hal sano uga hadhay heshiiskiisa kooxda Man United taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi doono kooxda xagaaga dambe.

Wadahadaladii heshiis kordhinta ee labada dhinac ayaa istaagay kadib markii ay Man United diiday in ay miiska saarto dalabka mushaharka ee Goolhaye David De Gea.

Sidaas United ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u imanaya De Gea xilli uu wargayska The Sun sheegaya in ay ku qancin doonto xiddiga in uu isaga tago xiddiga halkii uu xor uga tagi lahaa xagaaga iyaga oo waliba diyaar u ah in ay u gacan galiyaan lacag dhan 20 milyan oo euro ah.

United ayaa dhagaysan doonta dalabyada u dhexeeya 60 ilaa 75 milyan oo euro taas oo la macno ah in ay lacagtaas 20 milyan ka siin doonto Goolhayaha iyaduna qaadan doonto 40-ka milyan ee kale.

De Gea ayaa ilaa haatan diidan dalabyada u imanaya isaga oo ogsoon in uu xagaaga dambe heli doono dalabyo aad u qaali ah oo badan marka uu noqdo xiddig xor ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook