Maurizio Sarri Oo Loo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Juventus

Maurizio Sarri ayaa loo ogolaaday in uu isaga tago kooxda Chelsea kuna biiro kooxda Juventus iyada oo sidoo kale haatanba la ogaaday heshiiska uu saxiixi doono iyo wakhtiga ay kooxda Juventus ku dhawaaqi doonto heshiiskiisa.

Maurizio Sarri Ayaa la sheegaya in uu qalinka ku duugi doono heshiis 3 sano ah oo uu ku hogaamin doono kooxda Juventus iyada oo heshiiskiisa lagu dhawaaqi doono todobaadja dambe.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in wakiilka tababaruhu la kulmay madaxda chelsea shalay kadib heshiis la gaadhay in uu tababaruhu isaga tagi karo kooxda xagaagan.

Taas ayaa la macno ah in ay Juventus bixin doonto lacagta 5 milyan ah ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa kooxda chelsea.

Sarri ayaa isaga tagaya kooxda chelea kadib markii uu kooxda hogaamiyay hal xilli ciyaareed oo uu kula guulaystay tartanka Europa League sidoo kale kaalinta 3-aad geeyay kala saraynta horyalaka premier League.

Tababare Sarri ayaa sidoo kale chelsea geegay Finalka leageu Cup-ka oo ay rikoodhayaal guuldaro kala kulmeen kooxda Man City.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook