Ujeedka Wasiir Goodax U tegay B/weyne & Labo Qodob Uu Shaaciyey inay Jiraan + COD

Wafdi uu horkacayey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa waxay maanta gaareen Magaalada B/weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.

Ujeedka rasmiga ah ay ugaareen Wafdigaan ayaa labo qodob inay tahay lagu micneeyey taas oo kala ah inay Deegaanka laga soo doortay ay tegaan oo ay Xaalada soo ogaadaan iyo mida labaad oo ah in ay Xaliyaaan Xiisad ka jirtay Waayahaan dambe B/weyne.

Wasiir C/llaahi Goodax ayaa waxa uu usheegay in Xal ka gaarista Arinta Diidmada ka timid Gudoomiye Yuusuf Daba geed Xilka laga qaaday ay isku dayi doonaan.

Dawlada Madaxweyne Farmaajo ayaa cadaadis hadda saareysaa in daba geed uu kursiga baneeyo si loo tuso awooda siyaasadeed Ee HirShabelle uusan Madaxweyne Waare keligiis aheyn.

Mid ka mid ah xubnaha sida weyn udifaaca Nabad iyo Nolol ayuu yahay wasiir goodax waana mid ay usahlan tahay go’aan ka gaarida Xiisada Yuusuf Daba geed uu ka abuuray Magaalada B/weyne maalmihii dambe.

Waxa laga dhur sugayaa Bal natiijada ay kasoo saaraan wafdigaan maanta gaaray Magaalada B.weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook