Wasiirada Arrimaha dibadda Norway oo tagtay Muqdisho+SAWIRRO

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirada ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan ku yeeshay gudaha Garoonka.

Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.

Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada dalkaas, horayna madax uga soo noqday Hey’adda NRC.

Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen maamul goboleedyada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook