Lafta gareen oo Marka tagay +SAWIRO

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaarad Holicopter ah uu la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kasoo degtay garoon kuyaala deegaanka Ceel Jaalle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxwenaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay magaalada Marka,. waxaana la filayaa in halkaasi kulamo kula yeeshaan maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Booqashadan uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya maanta ku tagay magaalada Marka ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu halkaasi ku tago tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook