Isku aadka Semi-Finalka Koobka Qaarada Africa Oo La Soo Saaray

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 8 dhamaadka koobka qaarada Africa iyada oo ay ugu dambayn koobka isugu soo hadheen 4 xul kuwaas oo ku kala calaf qaadi doona Semi-finalka.

Wareega Semi-finalka koobka Africa ayaa la daawan doonaa kulamo xiiso iyo xamaasad leh iyada oo la gaadhi doono Finalak ama gab-gabada koobka Qaarada Africa.

Xulka Senegal ayaa soo dhaafay xulka Benin iyaga oo Semi-Finalka koobka Africa balansaday xulka Tunisia oo si xarago leh u dhaafay xulkii mucjisada ahaa ee Madagascar.

Dhanka kale xulka sanadkan laga yaaban yahay ee Algeria ayaa Semi-finalka la ciyaari doona xulka Nigeria kadib markii ay soo kala dhaafeen xulalka South Africa iyo Ivory Cost.

Kulamada Semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa 14 bisha oo ku Beegan Axada soo socota iyaga oo laba kulan iska xaadirin doonaan Finalka tartanka koobka Africa.

Halkan Hoose kaga bogo sida ay iskula ciyaari doonaan xulalka isugu soo hadhay Semi-finalka

Senegal Vs Tunisia

Algeria Vs Nigeria

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook