DAAWO:-Kheyre oo dalab u diray reer Dhuusamareeb

15

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday bulshada reer Dhuusamareeb inay soo dhoweeyaan dadka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta, maadaama ay gogosha taal magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Mr Kheyre ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxgaradka reer Dhuusamareeb inay dadka wax tabanaya ay ugu tagaan meel walba iyo deegaanadooda, isla markaana u muujiyaan isu tanaasul.

“Maadaama aad idinka tihiin dadka fidinaya gogosha, waa in aad dadka soo dhoweysaan, waxaa la rabaa qof walba oo dhib sheegta inaad guryahooda ugu tagtaan, oo degmadooda aad ugu tagtaan oo aad ugu qancisaan tanaasulna u muujisaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa u muuqday mid dareensan caqabadaha soo wajahay dadaalada dib loogu dhisayo Galmudug oo mideysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la isku heysan in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, balse la isku heysto sida looga shaqeysan karo inay u ekaato magaalo madax loo siman yahay.

“La iskuma heysto in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa malaga shaqeyn siin karaa, taasaa idinka la idinka rabaa, dad soomaaliyeed oo walaalihiina mustaqbalkooda uu ku xiran yahay idinka sida wax u ogolaatiin, idinka sida isugu tanaasushiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.