Xiddiga Chelsea U Xidhan Doona Lambarka No.10 Oo La Ogaaday

254

Eden Hazard ayaa xagaagan isaga caraabay kooxda chelsea isaga oo baneeyay Lambarka No.10 ee uu kooxda u qaadan jiray xilli ay taageerayaasha Blues is waydiinayeen xiddiga qaadan doona Lambarka No.10 xilli ciyaareedka cusub.

Xiddig garabka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian ayaa xaqiijiyay in uu xilli ciyaareedka cusub Eden Hazard ka dhaxli doono Lambarka No.10 ee kooxda chelsea.

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa isaga tagay chelsea xagaagan kadib 7 sano oo uu joogay Stamford Bridge isaga oo baneeyay Lambarka No.10 ee uu u xidhan jiray kooxda.

Xiddiga reer Brazil ee Willain oo kooxda chelsea u xidhan jiray Lambarka No.22 tan ilaa xagaagii 2013 markii uu ku soo biiray ayaa haatan xidhan doona Lambarka No.10.

Xiddiga reer Brazil ayaa barnaamij ka socda Brazil u sheegay” Waxa aan helay Lambarka No.10 ee Chelsea xilli ciyaareedka dambe, waxana aan u sheegay kooxda arintaas”.

Willian ayaa lambarkan qaadan doona xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa walina aan kooxda u saxiixin heshiisk cusub.