Adrien Rabiot oo sirasmi ah ugu soowareegay Juventus

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot oo ay kooxda PSG kagala soo wareegtay heshiiska xorta ah.

Inkasta oo ayna kooxda Juventus xaqiijin mudada uu saxiixay xiddiga Adrien Rabiot hadana waxa la aamisan yahay in uu xiddigu ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 7 milyan oo euro oo ah mushaharkiisa.

Xiddiga reer France ayay kooxda Juventus saxaafada u soo bandhigi doontaa maalinta Salaasada isaga oo noqday xiddigii 2-aad ee sida xorta ah ugu soo biira Juventus xagaagan.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa kooxda PSG u saftay in ka badan 227 kulan isaga oo u dhaliyay 25 gool sidoo kale caawiye uga noqday 20 kale isaga oo kooxda kula guulaystay 6 horyaal.

Rabiot ayaa sidoo kale xulka qarankiisa us aftay 6 kulan inkasta oo laga reebay liiskii xulka qaranka France ee ku guulaystay koobkii adduunka 2018.

Xiddiga ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee Juventus ugu soo biira heshiiska xorta ah sida Andrea Pirlo, Paul Pogba & Dani Alves halka uu sidoo kale xagaagan yahay xiddigii 2-aad ee xor ugus oo biira kadib Aaron Ramsey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook