Baarlamaanka Puntland oo mamnuucay badeecadaha laga keeno Dekedda Berbera

Kulan ay Maanta Magalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku yeesheen Xubnaha Golaha Wakiilada puntland ayaa waxaa ay ku mamnuuceen in deegaanada maamulkaas la keeno Konteenarada badeecadaha lagu keeno ee laga soo dejiyo Dekedda Berbera

Xildhibaannada ayaa cod aqlibiyad leh ku ansixiyay mamnuucida Konteenaradaas,iyaga oo sheegay inay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Dowlad gpoboleedka Puntland.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Wakiilada aya ku raacay Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo horay u soo saartay in in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Tallaabada ay Maanta qaadeen Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay daba socotaa xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Soomaaliland oo weli ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook