Bayern Munich Oo Garaacday Real Madrid+SAWIRRO

Kooxda Bayern Munich ayaa garaacday Real Madrid kulan ka tirsanaa tartanka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee International Champions Cup kulan uu Eden Hazard ku bilowday shaxda sidaasna ku ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee Real Madrid.

Zidane ayaa ciyaarta ku bilowday shax adag isaga oo aan waxba kula hadhin kaydka qaybtii hore xilli uu ku bilowday shaxdiisa ugu adag si uu guul uga gaadho Bayern.

Laakiin Bayern Munich ayaa gool kaga yaabsatay Real Madrid daqiiqadii 15-aad iyaga oo uu u dhaliyay goolka xiddiga Corentin Tolisso kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Real Madrid ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin waxa u suurgali wayday in ay gool dhaliso soona taabato shabaqa kooxdaBayern Munich.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Bayern Munich 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta labada kooxoodna soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ayay Bayern Munich daqiiqadii 67-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Bayern Munich ayaa 3 daqiiqado kadib gaar ahaan daqiiqadii 70-aad ciyaarta hurdo u dirtay kadib markii ay dhalisa goolka 3-aad oo uu u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Daqiiqadii 81-aad ayaa kaadhka cas loo taagay xiddiga u ciyaara kooxda Bayern Munich ee Sven Ulreich isaga oo laga saaray ciyaarta.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka sharafta iyaga oo uu u dhaliyay saxiixa Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich Dhabarka u saartay Real Madrid guuldaro 3/01 ah kulankoodii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook