Dagaalkii Ceel-Afweyn oo xoogeystay

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya dagaalo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintey dagaalkaas ay gaartey soddon ruux halka afartameeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada dega ayaa soo bilowday maalin ka hor balse sida la sheegayo waxaa xooggiisu dhacay shalay oo dagaalku ku fiday degaanno horleh islamarkaana labada malayshiya beeleed ay isu adeegsadeen hubka culus.

Dad jooga tuulooyin ka tirsan Ceel Afweyn ayaa soo sheegay in dagaalkii Isniintii shalay halkaasi ka dhacay uu khasaare badan gaarsiiyay xoola dhaqatada miyiga iyo bulshada ku nool tuulooyinka hoos yimaada Ceel Afweyn iyo Dararweyn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah degaannada uu dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay in uu ka bilowday barakac iyadoo qoysas badan ay gaareen tuulooyin kale oo aan dagaalku gaarin.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka waxaana sidoo kale weli soconaya gurmad ay helayaan ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale gurmadka ay helayaan labada malayshiya-beeleed ayaa sii xoogaysanaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook