Gareth Bale Noqon Doono Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Kubada Cagta

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa haatan gaadhay dalka Shiinaha si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka ciyaarta horyaalka Chinese Super League ee Juangsu Suning.

30 jirka reer Wales ayaa lagu soo waramayaa in uu noqdo doono ciyaaryahanka ugu mushaharka badan adduunka isaga oo todobaadkii u xaadiri doona lacag dhan 1 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa isaga caraabi doona kooxda Real Madrid 6 sano kadib markii uu ku soo biiray kooxda kana mid noqday halyeeyada kooxda kadib 4 champions League oo uu kula guulaystay.

Bale ayaa champions League xilli ciyaareedkii 2017/2018 kaligii ku hogaamiyay Los Blancos kadib markii uu 2 gool kala soo kacay kaydka Liverpoolna ka dhaliyay laba gool oo wareer ah.

Mustaqbalka xiddiga ayaa shaki weyn ku jiray xagaagan oo dhan laakiin waxa ay haatan u muuqdaa in uu ugu dambayn isaga tagay kooxda ka ciyaarta caasimada Spain ee Madrid.

Xiddiga ayaa kooxda Juangsu Suning wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay isaga oo qalinka ku duugi doona heshii 3 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 1 milyan oo euro.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook