Messi Oo Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Barcelona

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga ahna kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta Camp Nou laakiin ku xidhay Hal shardi.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona maalmaha soo socda laakiin ku xidhay hal shardi oo ah in ay kooxdu dib u soo celiso xiddiga PSG ee Neymar xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa doonaya in uu ku soo laabto kooxda Barcelona kadib markii uu kooxda PSG la galay muran xidhiidhkooduna bur-buray una sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Messi ayaa maamulka kooxdiisa ku taageeray in dib loo soo celiyo Neymar xagaagan wax walba oo ay ku qaadato si uu xiddigu mar kale u xidho maaliyada Barcelona.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Messi ogolaansho u siiyay maamulka kooxdiisa in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda laakiin u sheegay in ay soo celiyaan xiddiga Neymar.

Messi iyo Neymar ayaa wali leh xidhiidh adag oo fiican iyaga oo wali iska xidhiidha waxana uu kabtanka Barcelona doonayaa in uu kooxda ku arko xilli ciyaaredka dambe.

Sidaas darteed Barcelona ayaa raadinaysa wado ay kooxda PSG ugu qanciso in ay ka iibiyaan xiddiga Neymar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook