Cali Geedi dadbaa diidan maqaamka Muqdisho +VIDEO

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho isagoo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya inuu ka doodo oo uu ansixiyo maqaamka Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi waxa uu xusay in maqaamka magaalada Muqdisho uu ka soo shaqeeyay sidii loo dhisi lahaa maqaamka Muqdisho xilligii uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa dalka.

“Kuwii shalay diidanaa Maqaamka inay hadda yiraahdaan waa in la dhisaa maqaamka ma aha mid sax ah.”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo ka tilmaamay raggaas Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareysi uu siiyay taleefishin Somali Cable ayuu si dheer ugaga hadlay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi maqaamka Muqdisho.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook