Lampard: 4 Khalad Ayaa Sabab U Ahaa Guuldaradii nagudhacday

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay guuldaradii weynayd ee kooxdiisa ka soo gaadhay Man United kulankii ugu horeeyay ee horyaalka premier League kana dhacday Old Trafford.

Kooxda Chelsea ayaa guuldaro 4/0 ah kala kulantay kooxda Man United kulankii ugu horeeyay ee labada kooxood kana tirsanaa horyaalka premier League.

Blues ayaa ku fashilantay in ay natiijo fiican hesho inkasta oo qay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta laakiin waxa ay dhibaatoodeen qaybtii dambe.

Lampard oo ciyaarta ka hadlaya ayaa yidhi” 4 Khalad ayaa sabab u ahaa guuldaradii Man United, waxana waajib ah in aan nafteena canaanano waliba saxno khaladaadkaas kulanka xiga”.

“Qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo aan maamulaynay ciyaarta hadana waxa aan samaynay khaladaad laakiin waxa aan dhalin karnay ugu yaraan laba gool”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay ciyaartu u fududaatay Man United kadib markii ay dhaliyeen goolkii 2-aad iyo 3-aad gaar ahaan marka loo eego in ay awood u lahaayeen in ay khatar galiyaan goolkiiena mar walba oo ay kubada haystaan”.

“Waxa aan Nahay chelsea, ma ahan in aan Old Trafford Nimaadno kadib la kulano guuldaro sidan oo kale ah”.

“Haatan waxa aan diirada saaraynaa kulanka UEFA Super Cup ee Arbacada iyo waliba in aan natiijo fiican helno”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook