Lukaku Oo 4 Gool Dhaliyay Kulankiisii Ugu Horeeyay

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa saamayn weyn ku yeeshay kooxdiisa Inter Milan kulankiisii ugu horeeyay ee u ciyaaray kadib markii uu todobaadkii hore ku biiray kooxda.

Romelu Lukaku ayaa 4 gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaro kooxda Inter Milan xilli ay Inter Milan 8/0 ku garaacday kooxda Virtus Bergamo.

Lukaku ayaa dhamaystiray heshiiskii uu mudadad dheer sugayay khamiistii hore isaga oo kaga soo biiray Man United laakiin si toos ah u bilowday ciyaarista kooxdiis cusub.

Weeraryahanka ayaa la siiyay No.9 isaga oo ku bilowday kulanka saamayn deg-deg ahna ku bilowday kooxdiisa isaga oo 4 gool dhaliyay kooxdiisana ka caawiyay in ay 8 gool kaga badiso kooxda Virtus Bergamo.

Tababare Antonio Conte ayaa ciyaarta ku bilaabay xiddigihii aan ka qayb qaadan kulankii Sabtidii ay kooxdu guusha ka gaadhay kooxda Valencia.

Xiddigaha Matias Vecino & Sebastiano Esposito ayaa dhankooda dhaliyay min laba gool kalan qaybsaday 4-tii gool ee kale ee ay Inter Milan dhalisay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook