Romelu Lukaku oo kusiijeeda Inter Milan

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystay saxiixa weeraryahanka Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man United xagaagan.

Inter Milan ayaa Lukaku ka soo bixisay lacag dhan 75 milyan oo euro ah oo ku kici doona 85 Milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunadada ah.

Tababare Antonio Conte ayaa ugu dambayn helay xiddiga reer Belguim oo uu doonayayay muddo dheer tan ilaa markii uu tababaraha u ahaa kooxda chelsea.

Inter Milan ayaa wax walba u samaysay helitaanka saxiixa xiddiga laakiin Man United ayaa diiday dhaw dalab oo ay ka gudbisay xiddiga reer Belguim.

Ugu dambayn Inter Milan ayaa Man United kala heshiisay saxiixa xiddiga iyaga oo xalay dhamaystiray saxiixa xiddiga.

Xiddiga ayaa saaka tijaabada caafimaadka u maray kooxda Inter Milan iyada oo Inter Milan haatan ku dhawaaqday saxiixa xiddiga.

Lukaku ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Inter Milan isaga oo mushahar sanadkii u qaadan doona 9 Milyan oo euro iyo waliba gunooyin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook