Warbixin:- maxaa Aadan Ogeyn Oo Hada ka Socoda Magaalada Dhusa mareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa laga dareemayaa in qaban qaabada soo dhaweynta ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka mira dhalinta gogosha nabadeed ee la dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya , Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la arkayaa isagoo ku mashquulsan soo dhaweynta ergooyinka shirka ka qeyb galaya, iyadoona loo diyaariyay hoyga ay degi lahaayeen ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta beelaha Dega Maamulka Galmudug.

Amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan, kuwaasi oo xaqiijinaya Amniga Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa haatan sii xoogeysanaya dadaalada lagu doonayo in lagu qabto shir dib uheshiisiin ah magaalada Dhuusamareeb kadibna ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Inkastoo ay jiraan beelaha qaar ee shirkaan diidan, haddana lama oga sida uu ku suurageli doono qabsoomida Shirkaan, waxaanna Magaalada Dhuusamareeb ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku saabsan diyaargarowga Shirkaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook