Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay +SAWIRO

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa goobjoog ka ah Xafladda dhaarinta Baarlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibano ka tirsan Labada Aqal, ee Baarlamanka federalka Soomaaliya ,Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.

Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook