War.Cusub. RW/ Oo Mar kale Balanta Oga Baxay Hogaanka Ahlusuna & Khilaaf Cusub.

726

Wada xaajoodkii hoggaanka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe oo joogsaday.

Waxaa hakad ku jira wadahadallo maalmihii la soo dhaafay Dhuusamareeb uga socday hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ay matalayeen Wasiirrada Amniga iyo Arimaha Gudaha.

Sababta ay hakadka u galeen wadahadalladaas ayaa sida aan xogta ku helay waxey tahay in meelaha qaar heshiisyadii ay galeen dhinacyadu oo looga maarmi waayey inuu goobjoog ka noqdo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Arimaha la’aantiis soca waayey Kheyre waxaa ka mid ah lacag aan cadadkeeda la cadeyn oo ku jirtay heshiiskii labada dhinac iyo saami qeybsiga maamulka cusub ee lagu howlanyahay dhismihiisa.