Deg Deg: Odayaasha dhaqanka Galmudug oo kasoo horjeestay 30-ka Xildhibaan ee la Siiyay Ahlu-Sunna

84

Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ka dalbaday in Xildhibaanada ka imaanaya beelahooda lagu soo xulo nadaam waafaqsan awood qeybsiga beelaha oo aan lagala tashan urur gooni ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu kasoo hor jeestay dalabka odayaasha, isagoo qiil ka dhigtay inay arinka ka fiirinayaan habka ugu fudud ee uu ku dhismi karo maamulka Galmudug.