Deg deg:- Dad Shacab ah oo Lagu Laayay Gobolka GALGADUUD & Xiisad Weli Taagan.

93

Wararka ka imaanaya degmada Balambale Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay rag xoolo dhaqato ahaa ku Dileen Gobolkaasi.

Dilkan ayaa ka dhacay duleedka Degmada Balanbale iyodoona Raga la Dilay ay gaarayaan ilaa iyo labo ruux oo kamid ah Xoolo dhaqatada Degmadaasi.

Sababta dilkan ka dambeysay ayaa lagu sheegay in ay tahay aano qabiil, kadib markii maalin ka hor dad Shacabka lagu dilay degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in xiisad colaadeed ay maanta ka taagan tahay duleedka degmada Balanbale, islamarkaana haatan la soo qaadi la’yahay labada qof ee meydka ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in cabsi badan ka qabaan inuu dagaal ka qarxo duleedka degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud