SAWIRRO;- Wafdi ay Hogaaniyaan Madaxweynayaashii Hore Galmudug & Konfur Galbeed ayaa Kismaayo Gaaray.

306

Diyaarad waday wafdi uu ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan, Cabdikariim Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ayaa hadda ka degtay Magaaladda Kismaayo. Diyaarada waxay toos uga duushay Nairobi. Duulimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Nairobi iyo Kismaayo u kala goosha tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in diyaaradaha Kismaayo tagaya ay Muqdisho maraan.