Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Liverpool

1133

Xiddigaha David de Gea, Anthony Martial & Aaron Wan-Bissaka ayaa dhamaantood fursad u haysta in ay ciyaaraan kulanka maanta ay kooxdoodu la ciyaari doonto Liverpool.

Man United ayaa haatanba la dhibaatoonaysa dhaawacyo iyada oo uu sii xumeeyay xaalka dhaawacii goolhaye David De Gea ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Sergio Romero ayaa u muuqday mid ku bilaaban doona Goolka laakiin De Gea ayaa lagu arkay Xiddigihii xalay soo xaadiray hudheelka Manchester Lowry Hotel ka hor kulanka caawa.

Dhanka kale xiddiga Martial oo seegay kualamdii 8-da ahaa ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan ayaa u muuqda mid diyaar u noqon kara kulanka maanta.

Xiddigaha Paul Pogba iyo Luke Shaw ayay u badantahay in ayna icyaarin kulanka laakiin Solskjaer ayaa dib u soo dhawayn kara xiddiga Aaron Wan-Bissaka.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha Man United Ee La Soo Saaray Ka Hor Kulanka:

David de Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Aaron Wan-Bissaka, Harry Maguire, Victor Lindelof, Axel Tuanzebe, Phil Jones, Marcos Rojo, Ashley Young, Brandon Williams, James Garner, Scott McTominay, Andreas Pereira, Fred, Juan Mata, Tahith Chong, Angel Gomes, Daniel James, Marcus Rashford, Anthony Martial, Mason Greenwood.