SAWIRO: Xaaladda Garoowe oo kacsan, & Masuuliyiinta Dawladda oo ka dhuuntay.

811

Rabshado ay abaabuleen dad ka careysan dil shalay galab ka dhacay magaalada Garoowe ayaa kalifay in la gubo jidadka laamiyada ee caasumadda Puntland, waxayna sidaas oo kale dadkan careysan dab qabadsiiyaan laamiyada lagu dhisay deeqaha caalamiga ah.

Majiraan ciidan iyo masuuliyiin dawladeed oo ilaa hadda howshan galay si loo qaboojiyo, waxaana muuqata in carada ka dhalatay ficiladan ay tahay mid saameyn buuxda yeelan karta.

Maamulkii degmada Garoowe, Taliyayaashii laamaha Ammaanka iyo kuwa gobalka Nugaal ayaan ilaa hadda waxba ka qabanin dhacdadan oo laamiyada lagu gubayo.

Dadkan waxa ka cabanayaan nin dhalinyaro ah oo ay dileen ciidamada Amniga, sidaas oo kalena waxay ka soo horjeedaan dilkii Nabadoon loogu geystay magaalada Kismaayo.

Sidaas oo kale ma jiraan dadweyne sheeganaya cabashadoodu sida ay tahay oo run ka dhigaya ama u soo bandhigaya sifo sharciga waafaqsan