Deg deg:- Ciidamo ka Amar qaadta Hogaamiyaha Ahlusuna Oo la Wareegay Dhuusa Mareeb

962

Wararka ka imaanayo Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka Amar qadta Ahlusuna
Ay la wareegaan Amaanka Magaalada Dhusa mareeb. Gaar ahaan Xarumaha Dowladda
Ciidamada la wareegay Dhuusa Mareeb ayaa horey ugu sugnaa Gudaha Magaalada
Waxaana amarka ay ku tageen Halkaa bixiyay Hogaanka sare Ee Ahlusuna Sheikh Shaakir

Arinkaan ayaa yimid ka dib markii Is fahan waa uu soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo Dowladda Dhexe

Waxaana Sidokale Gudaha Magaalada Dhuusa Mareeb ku Sugan Labo gudi oo ay soo kala magacaabeen Wasarada Arimaha Gudaha Somaliya iyo Madaxda Ahlusuna

Mana jiraan wax wadda hadal ah oo labada dhinac oo hada ka Soconaya Dhuusa Mareeb
Islamarkaana xal looga gaarayo Khilaafka Siyaasadeed Ee ka Tagan Dowladda Iyo Ahlusuna.