Wqr,Cusub Xildhibaanada Beesha Habar gidir Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusa & Xaalada Weli Kaxsan,

865

Xildhibaanada mucaaradka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa beri waxaa ay Ku soo wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Xubnaha Xildhibaanada ah ee Dhuusamareeb imaanayo ayaa waxaa ka mid ah Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad iyo gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalka Sare Senator Abshir Bukhaare.

Mudanayaashan ayaa Dhuusamareeb u imaanaya sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen guddiga doorashada Galmudug ee uu dhawaan magacaabay Shiikh Shaakir.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in xildhibaanadan mucaaradka ah ay taageersan yihiin xubnaha guddiga doorashada maamulka Galmudug ee uu magacaabay Shiikh Shaakir.

Muran aan caadi aheyn ayaa ka taagan dhismaha maamulka Galmudug, kaasi oo u dhexeeya wasaarada arimaha gudaha soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna