Tababraha Liverbool oo kahadlay Dhaawacii Soo Gaadhay Mohamed Salah

963

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga kooxdiisa ugu muhiimsan ee Mohamed Salah kaas oo dhaawac looga saaray daqiqiiqadihii ugu dambeeyay.

Salah ayaa u muuqday mid uu dhaawac ka soo gaadhay kuraanta oo ah isla halkii uu ka dhaawacmay ka hor fasaxii xulalka kulankii Leicester City sababtana u noqday in uu seego kulankii Man United.

Laakiin Klopp ayaa hoos u dhigay baqdinta ay taageerayaasha Liverpool ka qabaan dhaawaca soo gaadhay xiddiga reer Masar kaas oo ciyaarta ka baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Klopp oo ciyaarta kadib ka hadlay arintaas ayaa yidhi” Dhaawaca soo gaadhay Mohamed Salah waa xanuun Kuraanta ah laakiin ma ahan wax weyn”.

“Ma ahan Halis waxa uu kuraanta ku dhibaatoonayay ilaa kulankii Leicester City hadii uu ciyaarta ku jiri lahaa waxa uu dareemi lahaa xanuun sidaas darteed wxa aan ku samaynay Badal”.

Dhaawaca Salah ayaa Yimid 2 Maalmood ka hor kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulan ka tirsan tartanka Carabao Cup-ka.