XOG:- DHAB AH Galmudug oo Lagu kala Cararay & Dowladda oo Weli ka Aamusan.

Wararka Ka imanaya Magaalada Dhusa mareeb Ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in Ay haawaneyso ka dib markii ay ka kala tageen dhamaan Odayaashi iyo Salaadintii hakaasi utimid ka qeyb galka Dhismaha Galmudug oo dhan yahay.
Odayaashaan ayaa dib ugu laabatay Degaanadii ay horey oga imaadeen. Taasi ayaa timid markii Hakad uu Galay Howlihii shaqo Maamul Sameyn Galmudug ee Dowladda Somaliya ay Halkaasi ka wadday.
Islamarkaana Niyad jab ku abuurtay Waxgaradka iyo Salaadin Galmudug Ee Dhusa mareeb ku sugnaa .

Dhanka kale waxaa Sameyn weyn ku yeeshay War ka soo Baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf oo sheegay in uu dib oga laabtay Warqaddii wakilashada Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya.
Waxeyna arintaasi sii Kala Ogeysay Bulshada Galmudug ku Mideysan.
Inkasto dhanka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya uusan wax war ah ka soo bixin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook