Man city iyo Atalanta oo iskugarab dhacay+SAWIRRO

845

Kulan Xiiso badan ayaa naadiga Manchester City waxey marti ugu noqotay kooxda reer Taliyaani ee Atlanta kulan ka tirsan wareegta Groupyada ee Koobka Uefa Champions leage-ga .

Ciyaarta oo ku bilabatay dar dar xoogan ayaa wiilasha Pep guar diola waxa ay doonayeen iney waqti hore ka dhamaadaan ciyaarta isla markaana ay u diyaar garoobaan kuxiga ee Classico England ee Liver la ciyaari doonaan , hadaba iyadoo sidaasi tahay sheekada ayaa wiilasha Pep waxa ay la yimaadeen gool uu udhaliyey Sterling.

Waxa ay socotaba ciyaarta Atlanta ayaa isku dayday iney kasoo laabato goolkaasi isla markaana bar bareyso balse daqiiqadii 43 aad waxa ay heshay City gool ku laad balse waxaa ka qasaariyey Jasus.

Qeybtii dambe ciyaarta Atlanta ayaa kasoo laabatay goolkii city iyadoona soo bar bareysay ciyaartana gool & gool ka dhigtay.
intaa wixii ka dambeeyey isku dayo badan ay sameeyeen city & Atlanta ayaa lagu kala adkaan kari waayey waxaana lagu kala heshiiyey bar baro gool & gool lkn arinta xusida mudan ayaa waxa ay tahay markii ciyaarta labadalay Ederson goolhayaha city isla markaana lagu badalay Bravo sidookalena Bravo casaan toos ah uu qaatay waxaana goosha galay Walker oo badal lagu soo geliyey.