Xaalada Dhaawac Ee Mohamed Salah & Andy Robertson Oo Laga Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ka Hor Kulanka Crystal Palace, Miyay Taam U Yihiin Kulankaas?

823

Xiddigaha Mohamed Salah & Andy Robertson ayaa laga warbixiyay dhaawacayada soo gaadhay ka hor kulanka Crystal Palace ee sabtida dambe ee horyaalka premier League.

Mohamed Salah & Andy Robertson ayuu shaki ku jiraa in ay ciyaaraan kulanka Crystal Palace ee sabtida.

Salah iyo Robertson ayay labadooduba haatan marayaan daawayb iyada oo si dhaw loola socdo xaalada labada xiddig intii lagu jiray fasaxii xulalka.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool 2/1 ka gaadhay leicester City 5 October isaga oo dhaawac ku seegay kulankii Man United isaga oo dib ugu soo laabtay kulankii City laakiin isla booskii hore ka dhaawacmay.

Robertson ayaa dhankiisu bararsan yahay kuraanta kaas oo ku dhaawacmay kulankii Man City laguna qasbay in laga saaro liiska kulamada xulka qarankiisa.

Wargayska Liverpool ayaa haatan sheegaya in ay labada xiddigba haatan shaki ku jiro in uu taam u noqon doono kulanka Crystal Palace ee sabtida.