Pierre-Emerick Aubameyang Oo Heegan Galiyay Real Madrid & Barcelona Wadnahana Jaray Taageerayaasha Arsenal, Muxuu Sameeyay

796

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal isaga oo joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay Kooxdu kula jirtay.

Wargayska Le10sport ayaa sheegaya in ay Arsenla ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isku dayaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Gabon.

Laakiin xiddiga ayaa haatan iska diiday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo isaga oo joojiyay wadahaladii ay Gunners ku doonaysay in ay heshiiska uga saxiixato.

Warkan ayaa imanaya xilli uu Pierre-Emerick Aubameyang xiiso xoogan ka helayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo laabdooduba xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhacaya xagaaga 2021 waxana uu haatan noqday kabtanka 1-aad ee kooxda kadib markii calaamada laga qaaday Granit Xhaka.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxda Arsenal ku soo biiray Suuqii january 2016 isaga oo kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund kana mid noqday xiddigaha ugu fiican premeir League.