Hordhac: Arsenal Vs Southampton: Gunners Oo Taqaana Sida Loo Karbaasho Kooxaha Kaalmaha Ugu Hooseeya Kaga Jira Horyaalka.

229

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates Staduim.

Gunners ayaa kulanka u soo galaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha meelna iska dhigto wakhtigii xumaa ee ka hor fasaxa xulalka iyo waliba in ay bilaabaan dagaalka ay u galayaan boosaska champions League.

Dhanka kale kooxda Southampton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 19-aad waliba doonaya in ay ka soo baxaan boosaska looga hadho horyaalka premier League.

Kulanka: Southampton Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabimo

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa guuldaro la,aan ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Southampton kula ciyaartay garoonkeeda iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ay kala kulantay ahayd November 1987.

Southampton ayaa ah garoonka Emirates ku ciyaartay kulamada ugu badan ee ayna guusha ku gaadhin garoonkaas taariikhda tartanka 20 kulan ayay guul la,aan tahay.

Arsenal ayaan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee premier league 2 guuldaro iyo 2 bar-baro waana markii ugu horaysay tan ilaa May iyo August 2011 markaas oo ay 6 kulan guul la,aan ahayd.

Arsenal ayaa gaadhay guul 35 kulan oo ka mid ah 36-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay garoonkeeda ku marti galisay kooxaha ku jira kaalmaha looga hadho horyaalka.