Unai Emery Oo Loo Sheegay Halka Arin Ee Ku Sii Hayn Kara Shaqada Tababare Ee Arsenal.

73

Hayleeyga Kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa sheegay in halka Arin ee uu ku sii ahaan karo tababaraha Arsenal tahay in uu ku hogaamiyo u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Gunners ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 kulan oo kaliya badiyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Taageerayaasha Arsenal ayaa ka soo hor jeestay tababaraha reer Spain iyaga oo dalbanaya in shaqada laga caydhiyo kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ay kala kulmeen kooxda Leicester City.

Waxa ay u muuqataa in uu Emery haysto taageerada maamulka kooxda Arsenal laakiin Keown ayaa rumaysan in ay tahay in uu Emery Gunners ka dhigo koox tartanta.

“Hadii uu kooxda ku hogaamiyo champions League xilli ciyaareedkan dambe waxa uu haystaa fursad uu ku sii joogo kooxda”ayuu Keown u sheegay talkSPORT.

“Arsenal ma ahan koox tartamaysa sidaa darteed waa in uu kooxda ka dhigo kuwo tartamada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.