Suarez & Vidal Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Soo Laabasho Leh Oo Ay Ka Gaadheen Leganes

264

Kooxda Barcelona ayaa guul soo laabasho leh oo dirqi ah ka gaadhay kooxda Leganes kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan ay Barcelona ku dhibaatootay qaybtiisii hore.

Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita qaybtii hore iyaga oo ku fashilmay in ay khatar galiyaan kooxda Ay martida u ahaayeen ee Leganes.

Kooxda Leganes ayaa Barcelona kaga naxsatay goolka 1-aad daqiqiadii 12-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Youssef En-Nesyri kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin kooxda Leganes ayaa si fiican u difaacatay waliba samaysay dhawr fursad oo khatar galiyay kooxda Barcelona.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ku dhibaatootay kulan waliba si weyn looga ciyaar fiicnaa dhanka kubad haysashada mooyaane.

Qaybtii dambe ayay kooxda Barcelona ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 53-aad ayay Barcelona dhalisay gooolka 1-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Barcelona ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta iyaga oo u awood sheegtay kooxda Leganes oo daafaca isku uruurisay.

Barcelona ayaa ka midho dhalisay weeraradii joogtada ahaa ee ay ku haysay kooxda Leganes kuwaas oo difaacan kari waayay weerarka waalida ahaa ee ay ku hayeen xiddigaha Barcelona.

Daqiiqadii 79-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ka badbaaday guuldaro lama filaan ah oo ka soo gaadha kooxda Leganes.