RASMI: Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Club World Cup-ka Oo Dhamaystirmay

166

Waxa si Rasmi ah u dhamaystirmay 7-da kooxood ee ka qayb gali doona tartanka Club World Cup-ka sanadkan 2019 kadib markii ay kooxihii ka qayb galayay soo wada bexeen.

Kooxda ka dhisan dalka Suadi Arabia ee Al-Hilal ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee u soo baxday koobka kadib markii ay haatan si Rasmi ah ugu guulaystay koobka AFC Champions League.

Kooxda reer Brazil ee Flamengo ayaa iyaduna xalay Si Rasmi ah ugu guulaystay koobka Copa Libertadores Iyaga oo si Rasmi ah u dhamaystiray 7-da kooxood ee sanadkan ka qayb qaadan doona tartanka.

Waxa haatan tartanka oo horay loo sameeyay isku aadkiisa la ciyaari doonaa 11 bisha dambe ee December kaas oo socon doona muddo bil ah.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 7-da kooxood ee u soo baxay tartanka:

🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Liverpool
🇧🇷 Flamengo
🇸🇦 Al-Hilal
🇹🇳 Esperance De Tunis
🇲🇽 Monterrey
🇳🇨 Hienghene Sport
🇶🇦 Al-Sadd