Klopp : Messi Waa Xiddiga Ugu Fiican Dunida Balse Sanadkaan Abaal Marinta Kubadda Dahabka Halkaan Xiddig Ayaa Mudan

232

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa u arka daaficiisa Van Dijk in uu sanadkaan mudan yahay ku guuleysiga abaal marinta kubadda dahabka

Daily Mail ayuu Klopp ka yiri” haddii aan awoodi lahaain aan abaal marintaas bixiyo waxaan siin lahaa Van Dijk , run ahaantii waa uu mudan yahay”.

Mar uu ka hadlayay Messi waxa uu Klopp yiir ” waa xiddiga ugu fiican taariikhda , waa xiddig mar waliba wacan balse xilli ciyaareedkii hore waxaa ka fiicnaa Van Dijk , ma aqaan sababta balse sidaas ayaan u arkaa”.

Xafladda abaal marinta kubadda dahabka ayaa la bixinayaa 2-da bisha December .