Gary Neville & Jamie Carragher Oo Soo Doortay Shaxda Ugu Fiican Premier League 10-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay

262

Halyeeyada reer England una soo kala ciyaaray kooxaha Liverpool iyo Man United ee Gary Neville & Jamie Carragher ayaa soo xushay shaxdooda ugu fiican horyaalka premier League 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Kabtan ku xigeenkii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa daafaca dhexe u doortay Vincent Komapany iyo Virgil Van Dijk markii la waydiiyay in uu soo doorto shaxda ugu fiicnaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay horyaalka premier league.

Kompany ayaa Man City kula guulaystay 4 premier League isaga oo kabtan u ah Kooxda halka uuna Virgil Van Dijk wax premier League ah kula guulaysan inkasta oo uu Reds kula guulaystay champions League.

Labada Halyeey ayaa isaga mid ahaa daafacyada iyaga oo kala doortay 4 xiddig oo isku mid ah laakiin ku kala duwanaa khadka dhexe ee shaxdooda.

Jamie Carragher ayaa khadka dhexe u soo doortay xiddigaha N’Golo Kante, Yaya Toure iyo xiddiga David Silva halka uu Gary Neville soo doortay xiddigaha Eden Hazard Yaya Toure iyo David Silva iyaga oo hal xiddig ku kala duwanaa.

Labada Halyeey ayaa sidoo kale ku kala duwanaa weerarka iyada oo uu Gary Neville doortay Luis Suarez, Sergio Aguero iyo Harry Kane halka uu Jamie Carragher doortay Gareth Bale, Eden Hazard iyo Sergio Aguero.