RIKOODH: Cristiano Ronaldo Rikoodh Kale Ka Dhigay Champions League

1642

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada dhigista taariikhda kubada cagta kadib markii uu rikoodh u dhigay tartanka champions League.

Xiddiga reer Portugal oo haatanba rikoodho badan oo cajiib ah ka dhigay champions League ayaa mar kale diwaan gashaday rikoodh kale oo tartanka koobka dhaga weyne.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda tartanka champions League kadib markii uu ku bilowday kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Atletico Madrid.

Ronaldo ayaa saftay kulankii 175-aad ee tartanka champions League isaga oo noqday xiddiga kulamada ugu badan ka saftay tartanka ugu qaalisan kooxaha yurub.

Cristiano ayaa dhaafay halyeeyga kooxda Ac Milan ee Paolo Maldini kaas oo ahaa xiddiga ugu safashada badan tartanka champions League isaga oo saftay 174 Kulan.

Halkan Kaga Bogo 3-da xiddig ee ugu safashada badan champions League:

1️⃣-Cristiano Ronaldo: 175 Kulan

2️⃣-Paolo Maldini: 174

3️⃣-Xavi: 173