Saddex Kulan Mise Hal Kulan? Kulamada Uu Alisson Ganaaxa Ku Seegi Doono Oo La Ogaadya

81

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa Horyaalka premier league kana dhacay Anfield.

Goolhaye Alisson ayaa daqiiqadii 76-aad loo taagay kaadhka cas kadib markii uu gacanta ku qabsaday kubada iyada oo ka baxsan dilinta ganaaxa taas keentay in uu garsooruhu u taago kaadhka cas ee tooska ah.

Taas ayaa la macno ah in uu Goolhaye Alisson Becker seegi doono kulanka adag ee ay Arbacada la ciyaari doonaan kooxda Everton kulanka Merseyside Derby.

Goolhaye Alisson ayaa si kasta ha ahaatee taam u noqon doona kulanka xigaa ee ay Liverpool ciyaari doonto premier League ee ay Liverpool booqan doonto kooxda  Bournemouth Sida uu xaqiijiyay wargayska Liverpool Echo.