Philippe Coutinho Oo Go’aamiyay Mustaqbalkiisa, Halkee Ayuu Doonayaa In Uu Ka Ciyaaro?

20

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Philippe Coutinho Amaahdana uga maqan kooxda Barcelona ayaan ka fikirayn in uu ku laabto Barcelona isaga oo diirada saaraya shaqada uu haatan gacanta ku haysto ee Germany.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatooday wakhtigii uu joogay Camp Nou waxana uu suuqii xagaaga amaah ugu biiray kooxda Bayern Munich waxana uu haatan doonayaa in uu sii joogo kooxda Bayern.

“Waxa aan dareemayaa Raaxo”ayuu yidhi.

“Waxa aan qorshaynayaa in aan sii joogo Bayern Munich, kaliya waxa aan diirada saarayaa wakhtigayga Halkan”.

“Hadii ay suurtagal tahay waxa aan doonayaa in aan sii joogo Halkan”ayuu sii raaciyay.