Rodgers, Mourinho, Aubameyang, Coutinho, Salah, Neymar & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

20

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Tababaraha Kooxda Liecester City ee Brendan Rodgers ayaa sheegay in ay jirto lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa Leicester City xilli lala xidhiidhinayo Arsenal (Mirror).

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xiiso ka helaya kooxda Inter Milan kuwaas oo la kulmay wakiilkiisa (Star).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Philippe Coutinho oo amaah uga maqan Barcelona ayaa qirtay in uu doonayo in uu sii joogo Bayern Munich (Marca).

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa xaqiijiyay in ayna kooxdiisu wax xiiso ah u qabin saxiixa Ivan Rakitic (Mail).

Wakiilka daafaca kooxda Leicester City ee Caglar Soyuncu ayaa sheegay in uuna xiddiga reer Turku ku biiri doonin kooxda Man City wakhti dhaw (Leicester Mercury).

Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa si dhab ah u doonaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah (Sports Mole).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Julian Weigl kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe (Mail).

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu xiiso u qabo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo gool wareer ah ka dhaliyay United kulankii Axadii (Sports Mole).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Sports Mole).

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Ac Milan marka lagaadho suuqa kala iibsiga xagaagan (Corriere della Sera).

Abaalmarinta Ballon d’Or ayaa sabab u noqonaysa in uu Kylian Mbappe ku biiro kooxda Liverpool (France Football).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay Chelsea si xor ah uga soo qaadato labada xiddig ee Willian & Pedro (Calciomercato).

Kooxda Barcelona ayaan mar kale u dhaqaaqi doonin in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar (Sports Mole).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Arturo Vidal (Sun).

Xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette ayaa isaga tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (Mail).