Hordhac: Chelsea Vs Aston Villa: Blues Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha

340

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa Kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge kana tirsan todobaadkii 15-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go’antahay in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib labadii guuldaro ee ugu dambeeyay ee soo gaadhay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda Aston Villa ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro kala soo kulmay Man United kulankii ugu dambeeyay ee premier League todobaadkii hore mar kalena doonaya in ay ka yaabsadaan Chelsea.

Kulanka: Chelsea Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:30 Habeenimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League marti galisay kooxda Aston Villa iyaga oo dhaliyay 15 gool lagana dhaliyay kaliya 1 gool laakiin waligood 5 kulan oo xidhiidh ah may Garaacin Aston Villa.

Aston Villa ayaa laga badiyay 8 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay chelsea la ciyaartay premier League iyada oo guushii ugu dambaysay ee ay soo gaadheen dhacday March 204 markaas oo ay Villa ku badisay 1/0.

Chelsea ayaa kaliya guuldaro la kulantay hal kulan oo ka mid ah 55-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha u soo dalaca horyaalka ku marti galiso garoonkeeda kulankaasna waxa uu ahaa mid ay guuldaro kala kulantay Bournemouth bishii December 2012 laakiin Blues ayaa bar-baro gashay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha soo dalacay marti galisay.

Aston Villa ayaa la kulantay guuldaro 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ka hor tagtay kooxaha reer London iyaga oo ugu yaraan laga dhaliyay 2 gool 7 kulan oo ka mid ah.