Hordhac: Man United Vs Tottenham: Solskjaer Vs Mourinho: Specail One Oo Markii Ugu Horaysay Ku Soo Laaban Doona Old Trafford

225

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Tottenham kulan adag oo ka mid ah todobaadkii 15-aad ee horyaalka Premier League kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Tottenham oo uu hogaaminayo tababarihii hore ee Man United ee Jose Mourinho ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo uu Jose Mourinho doonayo in uu Red Devils u muujiyo khaladkii ay kaga caydhiyeen shaqada.

Kulanka: Man United Vs Tottenham

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 10:30 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Marti galisay Tottenham premier League iyada oo uu ku jiro kulankii 3/0 ahaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Tottenham ayaa guuldarada ugu badan kala kulantay Man United marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale ee ee premierLeague.

Kooxda Martida ah ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ku dhex maray Man United Iyo Tottenham iyada oo labada kooxood dhibcaha kala qaybsadeen xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa kaliya 18 dhibcood ka heshay 14-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka premier League waana rikoodhkoodii ugu xumaa tan ilaa 1988/1989 waxana ay xilli ciyaareedkaas ku dhamaysteen kaalinta 11-aad.